Baarlamaanka Carabta oo taageeray madax banaanida Soomaaliya + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa ka qeybgalay shirka Golaha fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

 

Kulanka Xoghayayaasha oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha guddiga fulinta Dr Axmed Bin Naasir Al Fadaala, iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Dr Axmed Manaac. ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan xubnaha Guddiga waxaana looga hadlay mudeynta kulanka guud iyo Ajendayaasha hortabinta u leh Hay’adda Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale kulanka guddiga fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta ayaa waxaa looga hadlay arinta Falastiin iyo Xadgubka Dowladda Itoobiya ay kula kacday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ayna isla qaateen in la garab istaago dowladda iyo shacabka soomaaliyeed, difaaca midnimada iyo qaranimadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here