DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku hoyday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo dib loogu bilaabayo howlgallada ka dhanka ah Shabaab.
Madaxweynaha ayaa qaabilay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya, isaga oo faray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe.
Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ahaa madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo sheegay in guullo waa weyn laga gaaray howlgallada Galgaduud iyo Mudug.
Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed inay si sida ugu dhaqsiyaha usoo afjaraan Shabaabka ku sugan Galmudug.