Faah-faahino kasoo baxaya qaraxyo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe magaalada Boosaaso laga maqlay jugta qaraxyo xoogan.

 

Qaraxyada oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa ka kala dhacay hoyga uu wasiirka amniga Puntland ka dagan yahay Boosaaso iyo saldhhigga Biyo-kulule ee magaaladaasi.

Koox hubeysan oo loo maleynayo Al-Shabaab ayaa la sheegay inay toos u weerareen guriga wasiirka, waxaase ay iska caabin kala kulmeen illaaladii joogtay halkaasi.

Sidoo kale saldhigga Biyo-kulule ayaa la sheegay in isna lagu tuuray dhowr bam-gacmeed, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxyada xalay ka dhacay Boosaaso, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee magaaladaasi.

Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro qaraxyo ah lagu beegsaday xarumo ganacsi oo ku yaalla magaaladaas iyo dilal qorsheysan intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here