Faahfaahino kasoo baxaya diyaarad ku dhacday garoonka Ceel-barde

0

CEEL-BARDE (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Ceel-barde ee gobolka Baay, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaarad ka baxday Muqdisho ay ku dhacday garoonka, taas oo dhex gashay guryo ka agdhowaa garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay siday gargaar loo waday shacabka ku dhibaateysan degmadaas iyo deegaanada ku xeeran.

Duuliyihii diyaaradda ayaa lasoo wariyay inuu dhintay, sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray caawiyihii diyaaradda, sida uu Shabelle u sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.

Halkan hoose ka dhageyso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here