Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya

0

BAYDHABO (SMN) – Maxamed Ibraahim oo magaca afgarashada loo yaqaano (Najiib) oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qeybta 60-aad.

 

Maxamed Najiib oo muddo 3 sano ah Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada , ayaa ka qayb qaatey dagaallo dhowr ah oo ka dhacay Laamu iyo Mandheera ee Dalka Kenya .

Maxamed Ibraahim ayaa saraakiisha Ciidamada Qaranka u sheegay In tababar uu ku soo qaatey degmada Saakow ee Gobalka Jubadda Dhaxe ee maamulka Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray saaxibadiisii, isaga oo ka codsadey in ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ayaa waxa isa soo tarayay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, iskuna soo dhiibayo dowladda, waxaana loo sababeeyay howlgallada culus ee haatan ka socda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here