Dowlado shisheeye oo lagu eedeeyay inay taageeraan kooxda Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Mahad Wehliye Raan oo ah aqoonyahan falanqeeye arrimaha amniga iyo siyaasadda ayaaa ka hadlay hakadka ku yimid dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socday dalka, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

 

Mahad Wehliye ayaa sheegay in markii hore AY ahayd in lala yimaado qorshe guud oo lagu wajahayo kooxda, balse aysan dhicin, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay jiraan dowlado shisheeye oo gacan saar la leh Al-Shabaab, isla markaana siiya taageero kala duwan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo inta badan ay istaageen dagaalladii ka socday gobollada dalka oo wajigii koowaad dhul ballaaran looga saaray Al-Shabaab, kadib howlgallo ballaaran ka dhacay deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here