Faah-faahino kasoo baxaya duqeyn ka dhacday Shabeelaha Hoose + Khasaaraha

0

JANAALE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta duqeyn xoogan oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ay ka dhacday gobolkaasi, taas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.

 

Weerarka oo si gaar ah uga dhacay tuulada Ugunji oo hoostagta magaalada Janaale ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday maxkamad ay Al-Shabaab ku lahayd halkaasi, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntan lagu dilay ugu yaraan 7 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Magacyada saraakiisha la dilay waxaa kamid ah Usaama oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee Ugunji, Cadnaan oo qaabilsanaa dhanka lacagaha iyo Yaxye oo ahaa ku xigeen u ahaa Usaama, sida lagu sheegay qoraalka dowladda.

“Hawlgalkaan ayaa lagu beegsaday Maxkamad beenaad ay hawaarijta lahaayeen waxaana halkaasi lagu qaarajiyay ilaa iyo todobo horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarijta ah kuwaasi oo u uku jiray horjooge Usaama oo ahaa horjoogihii Khawaarijta ee deegaanka Ugunji” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Dhagar qabayaashakale ee Khwaarijta ah ee la dilay ayaa waxaa ka mid ah Cadnaan oo u qaabilsanaa Khawaarijta diiwaan galinta shaqsiyaadka shacabka ah ee la rabo lacagaha baadda ah laga qaado iyo Horjooge Yaxye oo ahaa horjeege ku xigeenka Maleeshiyaadka joogga deeggaanka Ugunji.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ay guusha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada Haramcad ay howlgal culus ka sameeyeen inta u dhexeysa deegaanada Gandarshe iyo Arbacow, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here