MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu hortego xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka oo maanta kulan wadajir ah ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan oo isugu dalbaday kulankan ayaa la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada baarlamaanka oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa la filayaa in baarlamaanka uu la wadaago warbixin ku aadan xaaladda guud ee dalka, maadaama lagu jiro marxalad xasaasi ah.
Madaxweynaha ayaa ka hadli doono safarkiisii Itoobiya, waxyaalihii uu lasoo kulmay intii uu ku sugnaa Addis Ababa, arrimaha ammaanka iyo difaaca dalka.
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweynaha uu baarlamaanka ka wadaago heshiis difaac oo ay dowladdiisa lasoo gashay Turkiga oo qorshuhu yahay in ciidamo uu keeno xeebaha Soomaaliya, si ay u difaacaan.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah isla markaana ay halkeedii tahay xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee ay kowdii bishii hore wada gaareen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Waa markii labaad ee muddo 48 maalmood ah oo uu madaxweynuhu ku hortegayo baarlamaanka Soomaaliyeed, isaga oo horay ula wadaagay xadgdubka ay Itoobiya u gaysatay madax bannaanida Soomaaliya.