Madaale oo soo dhaweyn u sameeyay maalgashadayaal u dhashay Kuwait

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay Ganacsato iyo Maalgashadeyaal u dhashay dalka Kuwait kuwaas oo Magaalada Muqdisho u yimid sidii ay Maalgashi u sameyn lahaayeen.

 

Kulankan casho sharafta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, Xildhibaano, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Ganacsatada reer Kuwait warbixin guud ka siiyay horumarada ka jira Magaalada Muqdisho iyo fursadaha Maalgashi ee ka jira Caasimadda.

Maalgashadeyaasha reer Kuwait ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho soo dhaweynta iyo sida loogu soo bandhigay fursadaha Maalgashi ee ka jira dalka.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here