MUQDISHO (SMN) – Madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa yimid, kadib markii uu Farmaajo booqasho ugu tegay Shariif, ayaga oo kadib ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha dastuurka, sida uu shaaciyay Farmaajo oo qoraal soo saaray kadib kulanka uu la yeeshay Shariif.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Waxaan caawa hoygiisa kulan wadatashi oo miro dhal ah ku yeelannay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran.
Waxaan isla garannay inaan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshadda.