Dab khasaare nafeed gaystay oo ka kacay magaalada Hargeysa + Sawirro

0

HARGEYSA (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xalay saq dhexe dab xoogan uu ka kacay xaafadda Cabaaye ee degmada Gacan Libaax.

 

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa dhaliyay dhimashada hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay ciidanka dab damiska Somaliland.

Sidoo kale waxaa lasoo bad-baadiyay 4 carruur ah oo kale oo kamid ah qoyska deganaa guriga uu dabka ka kacay.

Hoose ka akhriso qoraalka:-

Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax.

Abaaro 4:00 subaxnimo ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawlgalay una gurmaday Qoyskaa, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruura oo kale.

Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydkii. Baadhista Kiiskana waxaa gacanta ku haya ciidanka Dambi-baadhista.

Bulshada ku nool Somaliland waxaa ciidanka Dabdemisku farayaa in Habeenkii ka digtoonaadaan halista dabka:

– In Habeenkii La damiyo laydhka, lana aaso dabka girgirayaasha, lana dhigo meel ku haboon.

– ⁠In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa Qoyskaa Masiibadu ku dhacday, Alle Cawil kheyr Qaba hakasiiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here