Maxkamadda Racfaanka oo xukuntay mas’uuliyiin lagu helay musuq-maasuq

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ka soo saartay laba Dacwadood oo ka dhan ah mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe, iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

Maxkamadda oo dacwada 1-aad ka yeelatay 8-fadhi ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday xukunka oo noqday sida tan:

Makamadda ayaa ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah Cumar Macallin Nuur & Cabdullaahi Maxmuud Cusuble Hal Sano oo Xarrig ah, waxaana Saabir Xasan Cabdinuur lagu riday xukun ah Labo Sano & 6 Bilood oo Xarrig ah, halka Aadan Maxamed Cabdi lagu waayay dhamaan eedeymihii loo jeediyay.

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa Dacwada 2-aad oo ay ka yeelatay 7-fadhi xukun ku soo oogtay 3 eedeysane oo lagu tuhmay lacag dhaqis & maalgelinta agagaxisada, kuwaas oo kala ah Abuukar Maxamed Cali oo lagu xukumay 6-Sano oo Xarrig ah, Maxamed Aadan Cabdullahi oo Xarrig Hal Sano ah lagu xukumay, iyo Cabdiqaadir Cabdi Socdaal oo lagu waayay dhamaan eedeymaha loo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here