Maxkamadda Racfaanka oo xukuntay mas’uuliyiin lagu helay musuq-maasuq

0

MUQDISHO (SMN) –ย Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ka soo saartay laba Dacwadood oo ka dhan ah masโ€™uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe, iyo Heyโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

 

Maxkamadda oo dacwada 1-aad ka yeelatay 8-fadhi ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday xukunka oo noqday sida tan:

Makamadda ayaa ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah Cumar Macallin Nuur & Cabdullaahi Maxmuud Cusuble Hal Sano oo Xarrig ah, waxaana Saabir Xasan Cabdinuur lagu riday xukun ah Labo Sano & 6 Bilood oo Xarrig ah, halka Aadan Maxamed Cabdi lagu waayay dhamaan eedeymihii loo jeediyay.

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa Dacwada 2-aad oo ay ka yeelatay 7-fadhi xukun ku soo oogtay 3 eedeysane oo lagu tuhmay lacag dhaqis & maalgelinta agagaxisada, kuwaas oo kala ah Abuukar Maxamed Cali oo lagu xukumay 6-Sano oo Xarrig ah, Maxamed Aadan Cabdullahi oo Xarrig Hal Sano ah lagu xukumay, iyo Cabdiqaadir Cabdi Socdaal oo lagu waayay dhamaan eedeymaha loo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here