Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar oo u jawaabay madaxweyne hore Farmaajo

0

MUQDISHO (SMN) – Garyaqaan Mukhtaar Nuur Abuukar oo ah xeer ilaaliye ku xigeenkii hore ee Qaranka ayaa u jawaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), kaas oo si weyn uga yimid wax ka beddelka dastuurka.

 

Garyaqaanka ayaa ku eedeeyay in Farmaajo uu wado kicin dadweyne oo ka dhan ah dowladda, wuxuuna ka digay in fowdo laga abuuro gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu sheegay haddii uu wax saxayo Farmaajo inay haboon tahay inuu tego Baarlamaanka, maadaama uu yahay xildhibaan sharafeed ka tirsan Golaha Shacabka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan si weyn la’isugu hayo arrinta dastuurka oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya, waxaana sidoo kale ka doodaya baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here