Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulanka guud ee labada aqal

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 27-aad ee wadajirka ah ee labada aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo weli ku guda jira ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa maanta u gudbay ka doodista Madaxa Seddexaad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo Madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka.

Gudoomiye Sheekh Aadan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka beri ay Xildhibaannada soo xaadiraan si loo dhameystiro cutubka 4aad ee wax ka bedelka Dastuurka KMG.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here