Siyaasiyiin caan ah oo ka hortimid ansixinta wax ka beddelka dastuurka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaareyaashii hore ee dalka Xasan Cali Khayre, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’rke iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka horyimid wax ka beddelka dastuurka, kadib warsaxaafadeed ay soo saareen.

 

Qoraalkooda ay waxa ay ku sheegay in mas’uuliyadda uu qaadayo madaxweyne Xasan Sheekh, ayna aqoonsan yihiin iyagu dastuurka KMG ah ee dalka.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u cadaynaynaa in
masuuliyadda iyo caaqibo xumida ka dhalata dastuur bedelidda ay qaadayaan
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoonka labada aqal ee
Baarlamaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxa la sii raaciyay “Waxaan si wadajir ah u qaadacnay dastuurka cusub, waxaanna aqoonsanyahay dastuurka KMG ah ee 15ka cutub iyo 143 qoddob ka kooban. Marna ma aqbalayno dastuurka loo beddelayo xaqiijinta damac gurracan iyo rabitaanka Madaxtooyada”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here