Muqdisho – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay hub iyo ciidamo la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu u daabulay magaalada Gaalkacyo, iyagoo ku eedeeyay in tallaabadaasi ay abuurtay xiisad colaadeed oo halis ku ah nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha shacabka ku nool deegaannada Galmudug iyo Puntland.
Warsaxaafadeed uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegay in dagaalka ka qarxay Gaalkacyo uu ka dhashay hubka la sheegay in magaalada la geeyay, iyadoo lagu tilmaamay arrintaas mid ka dhalatay “maamul-xumo iyo go’aanno mas’uuliyad-darro ah” oo lagu eedeeyay dowladda federaalka. Goluhu wuxuu sheegay in magaalada Gaalkacyo ay muddo dheer ka soo kabanaysay colaado iyo dagaallo soo noqnoqday, isla markaana ay tahay arrin laga xumaado in mar kale ay wajahdo xiisado amni.
Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay dowladda inay halkii ay xoogga saari lahayd la dagaallanka Al-Shabaab, ay hub iyo ciidamo u adeegsanayso hurinta xiisado ka dhex aloosan deegaanno nabdoon.
Goluhu wuxuu ugu baaqay maamullada, isimada dhaqanka, culimada, waxgaradka iyo bulshada rayidka ah inay iska kaashadaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay ka hortagaan wax kasta oo horseedi kara colaad hor leh.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan jawaabin eedeymaha uu Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed u jeediyay, mana jirto xaqiijin madax-bannaan oo caddeynaysa sheegashada ah in hub sharci-darro ah loo daabulay Gaalkacyo. Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in xiisaddu sii xoogeysato haddii aan xal degdeg ah loo helin.




