Maraakiib dagaal oo kusoo qul-quleysa xeebaha Soomaaliya + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa sii kordhaya tirada maraakiibta iyo doomaha dagaal ee howl galada ka wada meelo ay ka mid yihiin biyaha Soomaaliya tan iyo markii maraakiib ganacsi ay dhowaan qabsadeen Burcad badeeda Soomaalida walow laga soo furtay maraakiibtaasi.

 

Dhaqdhaqaaqyada ka socda dhanka biyaha soomaaliya ayaa la xiriira ilaalinta maraakiibta isaga kala goosha Biyaha soomaaliya oo ka mid ah marinada ay sida weyn u isticmaalaan maraakiibta ganacsi.

Ciidamada Indiya ayaa ka mid ah kuwa sida weyn haatan ugu sugan qeybo ka mid ah badda Soomaaliya, inkastoo aysan aheyn kuwa sifo sharci ah ku soo galay biyaha.

Qatarta ka taagan biyaha soomaaliya ayaa loo sababeenayaa iyadoo uusan dalku weli yeelan ciidan bad oo ilaaliya ammaanka, tan iyo burburkii dowladii dhexe ee militariga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here