SANCA – Weerar ay Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen koonfurta Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo warramayaa inuu dhaawacay 11 qof oo rayid ah, iyadoo Riyadh ay ka digtay suuragalnimada weerarro isku-dubaridan oo ay fuliyaan Xuutiyiinta iyo maleeshiyaad Ciraaqi ah oo ay taageerto Iiraan.
Afhayeenka Isbahaysiga Militariga ee Sacuudigu hoggaamiyo, Jeneraal Turki al-Maliki, ayaa sheegay in weerarka ka dhacay gobolka Najran ay ku dhaawacmeen toddobo qof oo Sacuudiyaan ah, hal Yemeni ah, laba Masri ah iyo hal Pakistani ah.
Al-Maliki ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay inay si aan kala sooc lahayn u beegsanayaan goobaha ay dadka rayidka ahi ku nool yihiin, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Dhanka kale, ilo-wareedyo amni oo Sacuudiyaan ah ayaa sheegay in sirdoonka Sacuudiga, Mareykanka iyo dalal kale oo gobolka ah ay ogaadeen qorshayaal la sheegay in Xuutiyiinta iyo maleeshiyaad Ciraaqi ah oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka Iiraan ay ku qaadi karaan weerarro isku xiran oo lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha muhiimka ah ee Sacuudiga, sida xarumaha tamarta, dekedaha iyo garoomada diyaaradaha.
Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli dagaallada iyo iska horimaadyada ka socda Bariga Dhexe ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo in colaadaha gobolka ay ku fidaan dalal kale. Riyadh ayaa sidoo kale wadday dadaallo lagu xoojinayo iskaashiga amni ee ay la leedahay xulafadeeda muhiimka ah.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo gobolka ah, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa la filayay inay ka wada hadlaan ama saxiixaan heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif uu booqday Sacuudiga, halka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan lagu waday inuu booqdo boqortooyada.
Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda sheegtay inay sii waddo dadaallada lagu qaboojinayo xiisadda iyo xal diblomaasiyadeed oo laga gaaro khilaafka Iiraan, iyadoo saraakiil Sacuudiyaan ah ay walaac ka muujiyeen in weerarrada cusub loogu talagalay in lagu carqaladeeyo dadaallada diblomaasiyadeed.
Weerarrada Xuutiyiinta ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay amniga Badda Cas iyo isu socodka maraakiibta ganacsiga, taas oo walaac gaar ah ku abuureysa dalalka ku teedsan marin-biyoodka muhiimka ah ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Soomaaliya oo ku taalla meel istaraatiiji ah oo ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa si gaar ah ula socota isbeddellada amni ee gobolka.




