Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka shirka uu guddoomiyay duqa Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ku saabsan sugida Amniga Caasimadda ee maalmaha Ciidul Fidriga la qaatay Saraakiisha kala gedisan ee Laamaha Amniga.

 

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa waxa uu Duqa Magaalada Muqdisho kula dar-daarmay Saraakiisha Laamaha amniga in dadaalo badan la geliyo Sugida Amniga Caasimadda si Bulshada ay maalmaha farxada Ciidul Fidriga jawi nabdoon ugu ciidaan.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa xoojiyay amniga caasimadda, si looga hortego weerarka Al-Shabaab iyo falalka kale ee waxyeeleynaya nabad-gelyada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here