Faah-faahino kasoo baxaya duqeymo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN)  – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen aagga degmada Buulo-burde ee gobolkaasi, taas oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab.

 

Weerarkan oo ay fuliyeen saaxibada caalamiga ah oo kaashanaya ciidamada dowladda ayaa si gaar ah looga fuliyay deegaanka Jicibow oo 20 KM u jira degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan lagu beegsaday goob ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay saldhig ay kooxda ku lahayd halkaasi, lana gubay dhammaan wixii u yiilay halkaasi.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada ay si wayn uga socdaan howlgallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab, waana halka kasoo billowday kacdoonka shacab ee lagula jiro Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here