Sawirro: Soomaaliya oo shir caalamiga ah uga qayb-gashay magaalada Brussels

0

BRUSSELS (SMN) – Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka caalamiga ah ee Global Gateway for Education.

 

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Yurub, ayaa looga hadlay iskaashiga waxbarashada ee heer caalami, ahmiyadda waxbarashadu u leedahay kobcinta Iyo horumarinta aadanaha. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dood-wadaag ka qeybgelay intii uu socday shirka isagoo kalmad dad badan soo jiidatayna madasha ka jeediyey. Waxa uu si kooban uga sheekeeyay dadaalka labadii sanno ee la soo dhaafay ay XFS ku bixisay horumarinta waxbarashada, iyadoo miisaaniyadda dakhliga gudaha 9.5% loo qoondeeyay waxbarashada sannadkan 2024.

Wasiirku waxa uu sidoo kale dulmaray qorshaha dawladda ee la xiriira kobcinta tirada macallimiinta ka shaqeeya waxbarashada guud (dowladda), waxa uuna sheegay in kadib markii wajigii koowaad ee xulashada, tababarridda iyo shaqaaleysiinta macallimiintu guul ku dhammaday, dowladda Soomaaliya ay u tabaabusheysaneyso qaadashada 3000 Macallin oo cusub ah toddobaadyada soo socdo. Tiradani waxa ay qayb ka tahay qorshaha xukuumadda Dan Qaran ee lagu hiigsanayo in la gaarsiiyo tirada macallimiinta dugsiyada dadweynaha ka shaqeeya10,000, Sannadka 2025.

Intii uu shirku socday, wasiirka ayaa kulamo la yeeshay Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub, wasiirrada Horumarinta Belgium iyo Wasiirka Waxbarashada Finland, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha horumarinta bulshada iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Wafdiga wasiirka waxaa ku wehliyay Safiirka soomaaliya u fadhiyo Midowga Yurub iyo Agaasimaha Guud ee Waxbarashada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here