DF Soomaaliya oo cambaareysay qaraxii lagu laayay shaqaalaha Hormuud

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa falkii kooxaha Khawaarijta ah ku laayeen shaqaale ka tirsan Shirkadda Hormuud.

 

Falkaan oo ahaa mid ka fog Diinta iyo Qiyamka Bini-daamka waxa ay Khawaarijtu si ku tala gal ah ugu beegsatay gaari ay leedahay shirkaddu kaas oo ay saarnaayeen lix muwaadin oo ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda kuwaas oo dhamaantood ku naf-waayay ficilkaas Khawaarijta.

Weerarkaan ay Khawaarijtu u gaysatay dadkaas shacabka ah waa mid muujinaya sida arxandarrada ah ee ay duullaanka ugu yihiin shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn.

Si gaar ah weerarka ay Khawaarijtu ku hayso ganacsatada Soomaaliyeed ee halbawlaha u ah umadda waa mid laga dheehan karo heerka ay gaarsiisan tahay cadaawadda Khawaarijtu ay u hayso shacabka Soomaaliyeed oo ay doonayaan in ay tirtiraan.

Dawladda Soomaaliya iyada oo kaashanaysa shacabka waxaa ka go’an in xididada loo siibo Khawaarijtaan, taas oo ah xalka kali ah ee inoo furan. Waxaan ugu baaqaynaa shacabkeena sharafta badan in ay si buuxda ugu gacansiiyaan Dawladda sidii loo ciribtiri lahaa cadawgan Diin-laawayaasha ah.

Dawladdu, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Maamulka iyo hawl-wadeenada Shirkadda Hormuud, ehelka iyo qaraabada ay ka baxeen marxuumiinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliya.

Innaa lilaahi wa innaa Ileeyhi raajicuun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here