Madaale oo guddoomiyay shir looga hadlay amniga Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.

 

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa waxaa warbixin loogu dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitari, kuwaaso oo ka warbixiyay xaalada guud ee Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Saraakiisha Laamaha Amniga in xooga la saaro dar-dargelinta Amniga Caasimadda, lagana hortago fal kasta oo wax u dhimi kara Amniga ay ku naaloonayaan shacabka Gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here