Maxamuud Macallin oo guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Hay’adda SoDMA

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Md. Mahamuud Moallim Abdulle ayaa shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee hay’adda SoDMA kaas oo diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’adannimo ee dalka (CHF) oo lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay sida ay hay’adda ugu go’antahay joojinta barnaamijyada lacagta caddaanka ah (Cash Programs) ee hay’adaha gargaarka siiyaan  barakacayaasha, taasoo aafo nololeed ku ah mustaqbalka dadka nugul ee la qabsaday ku tiirsanaanta lacagtaas oo aan noloshooda kaafi karin.

Hay’adda SoDMA ayaa qorsheyneysa in lacagtaas caddaanka ah dadka loogu beddelo hormarinta xirfaddooda si ay u gaaraan madaxbannaani dhaqaale taas oo kulanka lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah, iyadoo hay’addu qorsheyneyso furitaanka xarun weyn oo bixisa tababar xirfadeed oo ay SoDMA leedahay taasoo dadka xirfado kala duwan lagu barayo, isla-markaana laga caawinayo dib ugu celinta degaannadii ay ka soo barakaceen.

Dhanka kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargalinta shaqada hay’adda iyo dhameeystirka mashaariicda socota, waxaana shirkaan ka soo qeybgalay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here