Maxkamadda Racfaanka Gobolka oo go’aan ka gaareyso kiiska Sayid-Cali

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa saaka la filayaa inay ku dhawaaqdo xukunka Sayid Cali Macalli Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis.

 

Maxkamadda ayaa waxaa looga yeeray Wariyeyaasha, xeer ilaalinta, qareenada iyo ehellada labada dhinac, si ay goobjoog u noqdaan ku dhawaaqista go’aanka kiiska Sayid-Cali.

Horay maxkamadda ayaa saddex fadhi oo kala duwan uga soo yeelatay kiiskan oo ah mid xasaasi ah, isla markaana ku yimid kadib Racfaan uu soo qaatay eedeysanaha.

Ninkan ayaa waxaa dhawaan xukun dil toogasho ah kusoo xukuntay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Banaadir, oo sheegtay inay ku heshay dambiga lagu soo eedeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here