Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii lagu qaaday Dekedda Damietta ee dalka Masar

0

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee 29-kii Luulyo 2026 lagu bartilmaameedsaday Dekedda Dekedda Damietta ee dalka Masar, kaas oo sababay dab ka kacay laba markab isla markaana halis geliyay kaabeyaasha muhiimka ah ee dekedda.

 

War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay si buuxda ula garab taagan tahay Masar dadaallada ay ku wajahayso khataraha amni ee noocan ah, iyadoo muujisay walaac xooggan oo ku saabsan weerarrada halista ku ah xorriyadda isu socodka maraakiibta iyo xasilloonida gobolka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u xaqiijisay mowqifkeeda adag ee ka dhanka ah argagixisada nooc kasta oo ay tahay, waxayna cambaareysay fal kasta oo sii hurinaya xiisadaha gobolka, kuwaas oo halis gelin kara nabadda, amniga iyo xasilloonida dalalka gobolka.

Dowladdu waxay xustay in ilaalinta marin-biyoodka caalamiga ah iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee ganacsigu ay door weyn ka qaataan amniga iyo xasilloonida gobolka, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo nabadda iyo badqabka marinnada badda.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here