MUQDISHO (SMN) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa James Swan u magacaabay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay, Mr. Swan waxa uu sii ahaan doonaa ergeyga gaarka ah muddo ku meel gaarka ah ka dib bixitaankii Catriona Laing oo kasoo jeeda Ingiriiska, taasoo mudo sanad ah haysay xilka.
Horaantii bishan, markii Catriona Laing ay ku dhawaaqday inay baxayso, dowladda Soomaaliya waxay ku baaqday in la kala diro oo albaabada la isagu dhufto Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) marka la gaaro Oktoobar 2024-ka.
Warqad uu u diray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Maali Fiqi ku caddeeyay mowqifka dowladda, isagoo sheegay in go’aanka xiritaanka xafiiska UNSOM uu yahay mid soo daahay.
“Waxaan rumeysannahay in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee iskaashiga,” ayuu yiri Fiqi, isagoo u ololeynaya in si dhaqso ah loo soo gabagabeeyo hannaanka lagu soo afjarayo howlgalka QM marka la gaaro xiliga uu dhammaanayo waqtiga ugu dambeeya.
Mr. Swan, waxa uu soo noqday Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM 2019 ilaa 2022. Kahor, waxa uu Dowladda Mareykanka ka soo noqday Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo 2013 ilaa 2016. Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya 2011 ilaa 2013, iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya 2008 ilaa 2011. Waa diblomaasi waayo arag ah oo muddo dheer ka soo shaqeeyay dalalka Afrikaanka ah oo ay wajahayaan isbedello siyaasadeed oo adag.
Shaqadiisii hore, Mr. Swan waxa uu ahaa Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Afrika ee 2006 ilaa 2008, iyo Agaasimaha Falanqaynta Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda intii u dhaxaysay 2005 ilaa 2006. Ka hor inta uusan qaban hawlahan, Mr. Swan. oo shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Soomaaliya, Cameroon, Nikaraguwa iyo Haiti.