Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday askari dil ka gaystay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana ayaa loo heystay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta hubka caasimadda.

 

Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in Eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, Falkaan ayaana ka dhacay Degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bisha shanaad ee sanadkaan 2024 Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamda Qalabka Sida oo Dhageysatay kiiskaan waqti ku Filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn Maanta oo ay taariiikhdu tahay sideed iyo Tobanka Bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here