Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay booqday suuqyada Nairobi

0

NAIROBI (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee ku yaala Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waqti la qaatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobahaasi.

 

Madaxweynaha ayaa la wadaagay ganacsatada uu kula kulmay halkaasi fursadaha maalgashi, soo kabashada amni iyo horumarada uu xilligaan ku tillaabsaday dalkeennu, isaga oo kula dardaarmay in ay u hoggaansamaan sharciyada dalalka ay ku noolyihiin.

Xasan Sheekh ayaa Nairo u tegay ka qayb-galka shir caalami ah oo looga hadlayay arrimaha maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here