Dagaal culus oo dib uga qarxay degmada Bardaale + Khasaaraha

0

BARDAALE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socdo gudaha degmada Bardaale ee gobolkaasi.

 

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa u dhexeeyo ciidamada Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed la sheegay inay weerar kusoo qaadeen degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladda ay cakiran tahay, ayna maqlayaan hubka ay is weydaarsanayaan labada dhinac.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalka ka qarxay degmada Bardaale.

Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dagaal beeleedyada, kuwaas oo xiisaddooda ay ka taagan degmooyin ka tirsan maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here