Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada Lafoole oo lagu dilay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole, Mukhtaar Nuur Geesey.

 

Marxuumka ayaa waxaa lagu toogtay agagaarka gurigiisa oo ku yaallo degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa bistoolado ay dileen marxuumka, kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Maydka ayaa sidoo kale la geeyay xarunta C.I.D, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka Soomaaliya.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here