Sawirro: Soomaaliya oo ka qayb-galeyso fadhiga guud ee Qaramada Midoobay

0

NEW YORK (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa u Amba-baxay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo hoggaaminaya wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalaya meertada 78-aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha ammaanka, taasi lagu wado inay qabsoonto 6 bishan June.

 

Laga bilaabo 1-da Janaayo 2025, Soomaaliya iyo xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka waxaa u bilaaban doona muddo xileedkooda oo ku eg 31-ka December 2026.

Musharraxnimada Soomaaliya ee kursiga furan ee Afrika xilligan u gaarka ah bariga Afrika, waxa ay ku hanan doontaa si aan tartan ku jirin, taasi oo la jaan-qaadaysa hannaanka kaltanka wareegga ee Afrika.

Soomaaliya ayaa musharraxnimadeeda ku dhawaaqday sanadkii 2018-kii, waxa ay si rasmi ah taageero uga heshay kulankii caadiga ahaa meertadiisa 44-aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo qabsoomay bishii Febraayo, 2024.

Soomaaliya, oo xubin ka ah Qaramada Midoobey tan iyo gobonnimadeedii sanadkii 1960, waxa ay horay xubin uga noqotay Golaha ammaanka oo muddo xileedkeedu ahaa 1971-1972, waxa ay kaalin lixaad leh ka qaadatay qaadaa-dhigidda iyo go’aan ka gaaridda arrimaha nabadda iyo amniga caalamiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here