Ra’iisul wasaare Xamza oo shir muhiim ah uga qayb-galaya magaalada Dooxa

0

DOOXA (SMN) – Shirweynaha Qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa maanta oo Isniin ka furmaya magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaas oo ay gaareen qeybaha kala duwan ee Qurba-joogta Soomaaliyeed, kaas oo socon doona muddo labo cisho ah.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wasiirro katirsan Xukuumadda ayaa iyagana kamid ah madaxda halkaas gaaray.

Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa waxa uuna hal kaas ka jeedin doonaa khudbad dhinacya badan taaban doonta oo ka hadlaysa horumarka dalka, iyo midnimada Qurba-joogta Soomaaliyeed leeyihiin dowladnimada Soomaaliya.

Shirweynahan oo qabanqaabadiisa ugu badan ay leedahay wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa xoogaa lagu saarayaa kaalinta muhiimka ah Qurba-joogta iyo jiheynta awoodooda maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here