Somaliland oo war cusub kasoo saartay heshiiska badda

0

HARGEYSA (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradd arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa looga hadlay heshiiska badda ee Itoobiya iyo arrimo ku aadan aqoonsiga ay muddada dheer raadineyso Somaliland.

 

Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in guddi gaar ah ay u xilsaartay dadaallada aqoonsiga iyo arrinta heshiiska badda.

Hoose ka akhriso qoraalka:-

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay inay samaysay guddi hawleed heer wasiir ah oo loo xilsaaray dedaallada aqoonsiga Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war ay Wasaaradda Arrimaha dibadda JSL ku baahisay Barteeda X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxana ay xaqiijisay inay Somaliland tallaabo muhiim ah u qaaday dhinaca aqoonsiga.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay xustay inay aasaastay guddi gaar u ah qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland oo heer Wasiir ah, kuwaasi oo ka hawl-geli doona raadinta dedaallada iyo xeeladaha aqoonsiga.

Waxa kaloo ay intaas ku dartay in tallaabadani xidhiidh la leedahay hindiseyaasha socda ee xukuumadda oo uu ka mid yahay heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen 1dii bishii January 2024 ee ku wajahnaa saldhiga millatari ee badda ee Somaliland ka kiraynayso Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here