Nairobi – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Garsooraha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), Phoebe Okowa, oo booqasho sharafeed ku timid safaaradda. Garsoore Okowa waxaa soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya, iyadoo uu kulanka ku weheliyay Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Mukhtaar Mahad Daauud.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray musharraxnimada Garsoore Phoebe Okowa ee kursiga Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ), iyadoo Dowladda Kenya ay u sharraxan tahay kursiga muddada u dhexeysa 2027 illaa 2036.
Garsoore Phoebe Okowa ayaa hore loogu doortay inay buuxiso muddadii ka harsaneyd kursigii uu baneeyay Garsoore Cabdulqaawi Axmed Yuusuf, kaddib markii uu iska casilay xilka, iyadoo xilkeeda ay si rasmi ah u billowday bishii Nofeembar 2025, isla markaana muddadaas ku eg tahay 5-ta Febraayo 2027.
Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Garsoore Okowa booqashadeeda, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay doorka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee xal u helidda khilaafaadka caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale xusay inay lama huraan tahay in maxkamaddu sii xoojiso dhexdhexaadnimadeeda, madax-bannaanideeda iyo wada-shaqeynta ay la leedahay dalalka Afrika.




