Wasiir Khadiijo Al-Makhzumi oo farriin culus u dirtay dadka Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS Khadiijo Maxamed Al-Makhzumi ayaa habeenimadii xalay Magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlaayey waxqabadka Wasaaradda ee labadii Sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka warbixisay saameynta ay deegaanka ku leeyihiin qashinka,xaalufinta deegaanka,qiica iyo bacaha iyo sida ugu habboon ee looga hortagi karo.

“Dadka jara Dhirta iyo kuwa Bacda dalkeena keenaya waxay la mid yihiin khawaarijta, Isbedelka Cimilada dalkeenna waxa u keena qashinka,xaalufinta deegaanka,qiica gaadiidka, marka ummadda Soomaaliyeed waxaa looga baahanyahay inay masuuliyad iska saaran ilaalinta deegaanka” ayay tiri Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Khadiijo Al-Makhzumi.

Hadalkan ayaa imaanaya, iyadoo qubarada dhanka Isbadalka Cimilada ka digayaan dhibaatooyinka ka dhalan kara jarista dhirta oo ku badan gudaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here