Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya, kaas oo ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda awoodda hay’adaha amniga iyo adkeynta sugidda xuduudaha dalka.
Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya horumarinta tayada hay’adaha amniga, hirgelinta habab casri ah oo lagu maareeyo xuduudaha, xoojinta amniga garoomada diyaaradaha, iyo kobcinta iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah ee taageera amniga iyo xasilloonida dalka.
Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in sugidda amniga xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha ay laf-dhabar u tahay amniga qaranka, isla markaana dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’ado amni oo leh aqoon, xirfad iyo qalab casri ah oo ay kaga hortagaan khataraha amni ee isa soo taraya.
Wasiirku wuxuu xusay in xoojinta maamulka xuduudaha ay door muhiim ah ka qaadaneyso ka hortagga tahriibka, socdaalka sharci-darrada ah, dambiyada abaabulan iyo dhaqdhaqaaqyada kooxaha argagixisada, isagoo adkeeyay muhiimadda iskaashiga hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Barnaamijkan ayaa la filayaa inuu wax weyn ka geysto tayeynta shaqaalaha amniga, casriyeynta nidaamyada maamulka xuduudaha, fududeynta isu-socodka sharciga ah ee dadka iyo badeecadaha, iyo xoojinta dadaallada lagu wajahayo khataraha amni ee ka gudba xuduudaha, iyadoo la waafajinayo heerarka iyo habraacyada caalamiga ah ee amniga iyo socdaalka.




