Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Jowhar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, qeybna ka yihiin madax ka tirsan hay’adda OCHA ayaa maanta gaaray xarunta maamulka Hirshabeelle ee Jowhar.

 

Ujeedka wafdiga ayaa ah u kuur-galidda xaaladda dabkii xogganaa ee ka dhashay suuqa ugu weyn magaalada Jowhar ee hantiwadaag, kaas oo sababay in dabkaas ku baa ba’aan 500 oo goobo ganacsi ah.

Soo dhaweyn kadib wafdiga Guddoomiyaha oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle ayaa booqday suuqa Hantiwadaag oo inta badan dabkii ka kacay sameen ballaaran ka soo gaaray.

Guddoomiyaha ayaa suuqa kula kulmay qaar kamid ah ganacsatadii ku hantibeelay dabkaas, isagoo sheegay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’addaha gargaarka ugu baaqay in loo soo gurmado shacabkaan oo intooda badan ahayeen Ganacsiga yaryar.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here