Cali Guudlaawe oo guddoomiyay shir loogu gurmanayo ganacsatada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose ee Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guurre Karoore ayaa garoonka Maxamed Dheere waxa uu kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaamiyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay ku wehliyaan xubno ka tirsan UN-OCHA.

 

Wafdiga ayaa soo indho-indheeyay baaxada dabkii baabi’iyay hantida ganacsatada suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Intaas kaddib waxaa loo soo gudbiyay xarunta Madaxtooyadda halkaasi uu ka dhacay shir ay ka qeygaleen Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobalka, Golaha Deegaanka Degmada Jowhar iyo Ganacsatadii hantidooda ku waayay dabka qabsaday suuqa magaalada Jowhar.

Shirka Gurmadka waxaa shir-guddoomiyay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) waxaana warbixino looga dhageystay Wasaarradaha Arrimaha Guddaha, Ganacsiga, Gargaarka iyo Sidoo kale Guddiga Ganacsatada dhibka gaaray.

Guddoomiyaha Hay’addaha Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa goobta ka sheegay sababta ay u yimaadeen inay tahay uruurinta xogta masiibadii dhacday iyo qaabka loo sameyn lahaa gurmad loo dhan yahay.

“Waa ceyr oo banaanka ayay joogaan waxaan u guntanay sidii gurmad deg deg ah ay u heli lahaayeen ganacsatada suuqa Hanti-wadaag ee ku hanti beelay masiibadii dhacday. SoDMA iyo anaga wadajir ayaan u dalbaneynaa in la gurmado, dhibaatada waa mid weyn.” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)

Ugu dameyn Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle ayaa u rajeeyay ganacsatada beddel wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here