Taabid Cabdi Maxamed oo war kasoo saaray dibad-baxyada ka socda Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guudoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa war kasoo saaray dibad-baxyada ka socda Muqdisho oo ay dhigayaan dhalinyarada Bajaajleyda oo ka cabanaya lacago dheeraad ah oo lagu kordhiyay.

 

Taabid ayaa ku baaqay in aan awood ciidan loo adeegsan dibad-baxayaasha, isaga oo ku taliyay in la dhageysto cabashadooda, kadibna la xalliyo.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Xoog iyo cabburin xal ma keenaan, waxaan markale ku celinayaa in mas’uuliyiinta dowladda aysan isku kaliyeen askar iyo shacab oo ay wajahaan xalka dhabta ee culesyka haysta dhallinyarada Bajaajta oo shaqa abuur sameystay, canshuur bixiyayaalna ah.

Waxaan aad uga xumahay tacadiga iyo jirdilka loo geystay dhallinyarada ku shaqaysata Bajaajta oo maanta bannaanbax markale ka dhigay Muqdisho iyaga oo ka cabanayo canshuur lagu kordhiyay, markii horena la tacaalayay sicir-barar iyo dhaqaale xumo iyo in ay maalin dhaaf u shaqeeyaan A&B.

Dunida waxaa ka jira dhaqaale xumo iyo sicir-barar waxayna dowladdaha dunida ku dadaalaan in ay canshuurta dhimaan si nolosha muwaadinka culeyska looga qaado balse ma ahayn in culeys lagu kordhiyo.

Dhallinyaradeena Bajaajta iyaga ayaa shaqo abuurtay bulshadeenana u ah lafdhabar mid nololleed iyo mid isu-socod, waxayna mudan yihiin ixtiraam iyo in la illaaliyo xaqa uu dastuurka dalka siiyay muwaadiniinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here