Qoor Qoor oo weerar culus ku qaaday musharixiinta u taagan Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Dhuusamareeb ayaa weerar culus ku qaaday mucaaradka kasoo horjeedo, gaar ahaan musharixiinta la tartameysa.

 

Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in Galmudug ay kasoo gudubtay xilligii dagaalka, isla-markaana damaca siyaasiga ah lagu raadin jiray awood ciidan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tilmaamay in musharixiinta aysan hub iyo ciidamo lasoo geli karin caasimada Galmudug, sidoo kalena aysan sameyn karin kici bulsho.

“Musharixiinta xilka MW Galmudug haku riyoonina in aad hub la soo gashaan Galmudug, mana idinka yeelayno” ayuu yiri madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Hadalkan ayaa xalay madaxweyne Qoor Qoor wuxuu a sheegay xaflad loogu dabaal-dagayay sanad guurada 18-aad ee kasoo wareegtay aas aaska Galmudug


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here