Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo soo bandhigay waxqabadka diblomaasiyadda Soomaaliya afartii sano ee la soo dhaafay

0

Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta Wasaaradda ku soo bandhigay muxaadaro ku saabsan xaaladda diblomaasiyadda Soomaaliya iyo guulaha ay Wasaaraddu ka gaartay afartii sano ee la soo dhaafay.

 

Muxaadaradan, oo uu soo qabanqaabiyay Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda, ayaa qeyb ka ahayd dadaallada lagu horumarinayo aqoonta diblomaasiyadda, kobcinta xirfadaha howl-wadeennada iyo kor u qaadidda wacyigelinta bulshada ee arrimaha siyaasadda dibadda. Waxaa ka qeyb galay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, agaasimayaasha waaxyaha, shaqaalaha Wasaaradda, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo arday ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Muqdisho.

Intii lagu guda jiray muxaadarada, Wasiiru-dowlaha ayaa faahfaahin ka bixiyay horumarka laga sameeyay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah iyo kuwa dhinacyada badan, horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha, ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo sare u qaadidda kaalinta dalka ee fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay mudnaan gaar ah siisay ballaarinta iskaashiga caalamiga ah, soo jiidashada maalgashiga, kobcinta xiriirrada istiraatiijiga ah iyo difaaca danaha qaranka, si diblomaasiyadda Soomaaliya ay uga qeyb qaadato horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida dalka. Gabagabadii, kulanka ayaa lagu adkeeyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay hirgelinta mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo dhisidda diblomaasiyad firfircoon oo taageerta nabadda, xasilloonida iyo horumar waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here