Soomaaliya oo shirweyne caalami ah uga qayb-gashay dalka Madagascar + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa Dalka Madagascar kaga qeybgashay Shirka 11aad ee Axdiga Nairobi Convention COP11 kaas oo diiradda lagu saaray saameynta deegaan ee xeebaha si loo maamulo xeebaha ay qashinka saameeyeen loona helo xal deegaan oo waara (sustainable marine and coastal management ).

 

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa tiri “ si loo maamulo xeebaha ay qashinka saameeyeen loona helo xal deegaan oo waara (sustainable marine and coastal management ) waxaa naga go’an inaan iska kaashano maamulka badda iyo xeebaha waara ee hoos yimaada Axdiga Nairobi .

Intii uu shirka socday Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay ka mid noqoshada Golaha Xafiiska isku duwida iyo isku xirka oo ah guddoomiye ku xigeenka Xiriirka ( the bureau assembly as the Vice Chair for Coordination).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here