Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai oo u hogaansamay amar kasoo baxay DF

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa si deg deg ah u dhaqan-galay amar kasoo baxay Arbacadii Hay’adda Duullimaadyada Rayidka ee Soomaaliya oo la duldhigay Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai oo sameeyay fal xad-gudub ku ah madax-bannaainda iyo midnimada dalka.

 

Shirkadahan ayaa lagu wargeliyay in laga mamnuuci doono hawada Soomaaliya iyo duullimaadyada ay ku tagaan magaalooyinka dalka hadii aysan 23-ka August 2024, bogageeda rasmiga ah uga saarin magaca Somaliland, marka ay duulimaadkooda Hargeysa iyo Muqdisho ka hadlayaan, maadaama labada magaalo ay Soomaaliya kawada tirsan yihiin.

FlyDubai oo Imaaraadka Carabta laga leeyahay ayaa bishii June ee sanadkan joojisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Muqdisho hase ahaatee waxay duulimaad ku tagtaa todobaad kasta magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale 1991.

Digniinta kale ee loo diray Fly Dubai, ayaa lagu xusay in shirkaddaasi ay sameysay qaladaad la xiriira metelaadda saxda ah ee Soomaaliya, waxaana loogu baaqay baaqday inay si sax ah u raaciso magaalooyinka magaca Soomaaliya dhammaan adeegyadeeda.

Soomaaliya ayaa tillaabooyinka ay qaadeen shiirkadahan u aragta kuwa shaki gelinaya madaxbannaanideeda iyo in aan la tixgelineynin habmaamuuska rasmiga ah ee caalamiga ah ee duulista.

Tan iyo markii uu billaawday khilaafka ka dhashay heshiiska badda ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxaa soo kordhay xiisadda dhanka maamulka hawada ee u dhexeysa Muqdisho iyo Hargeysa taas oo jahwareer ku riday diyaaradaha ku yimaada duulimaadyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here