Danjire Jibriil oo ka qayb-galay sagootinta arday deeq waxbarasho ka helay Japan

0

NAIROBI (SMN) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane  Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qaybgalay xaflad loo sameeyay arday  Soomaaliyeed ee ku guuleysatay deeq waxbarasho oo dalka Japan u fidiyay dalka Soomaaliya. Ardaydaan oo baran doonto aqoomaha kala duwan ee lagu barto jaamacadaha dalka Japan ayaa la filayaa marka ay ku soo laabtan dalka Soomaaliya in kaalin muq ah ka geysataan horumarka dalka iyo dadka Soomaalida.

 

Danjire Jabril ayaa si weyn ugu mahad celiyay dowladda Japan deeqdan waxbarasho oo waqtigeeda ku haboon ay u fidisay ardayda Soomaaliyeed. Isaga oo ka hadalaya xaflada Waxa uu  danjiruhu yiri “Deeqdaan waxbarasho waxa ay  ka tarjumaysa sida hagar la’aanta ah ee dalka Japan ay uga go’an tahay taageedira mashaariicda lagu hormarinayo  dalka Soomaaliya, waxaanan si kal iyo laab ah uga mahadcelinaynaa taageeradan qiimaha badan”

Sanadihii lasoo dhaafay, dalka Japan waxa ay Soomaaliya u ahayd mid ka mida  saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta. Iyadoo loo marayo wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee Japan ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (JICA), waxaa hadda ka socda dalka Soomaaliya mashaariic tiro badan oo wax weyn ka taraya horumarka dalka. Ballanqaadka dalka Japan ee horumarintayada maaha mid ka tarjumaysa oo kaliya xidhiidhka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal, balse sidoo kale waa xidhiidhka adag ee taariikhiga ah ee isku xidha labada dal.

Xiriirka labada dal waxa sii xoojiyay booqashooyinkii madaxweynayaasheena ku tageen dalka Japan iyo mas’uuliyiin kale, waxa ay taasina muujinaysaa sida labada dal ay  uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.

Danjite Jabril, ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ardayda wax ka baran doonta dalka Japan ay ka qeyb qaadan doonaan dib u dhiska  iyo horumarka Soomaaliya ka socda marka ay  ku soo laabtaan dalka hooyo.

Danjire Jabril, waxa uu ku dhiiri galiyay ardayda in ay ka faa’idaystaan ​​fursadan si ay wax u bartaan, u koraan xaga aqoonta, kuna ku talagaan in aqoonta ay soo bartaan ay  wax ka tari doonto mustaqbalka ifaya ee umadeena iyo dalkeen.

Danjiraha ayaa ugu danbeeyntii,  waxa uu mahadcelin kal iyo laab ah u diray dawladda iyo shacabka Japan, isaga oo  uga mahadceliyey saaxiibtinimada iyo taageerada aan kala go’a lahayn ay la garab taagan tahay dalka iyo dadka Soomaliyeed. Barnaamijkan deeq-waxbarasho runtii waa waa mid albaabaada u furi doonto ardeydeena, isla markaana siin doonto  laga galo fursadaha aan dhammaadka lahayn ee ardaydeenna.

Waxaa dib u bilaawday deeqihii waxbarasho ee dalka Soomaaliya horay loo siin jiray kuwaas oo hakad galay xiligii dagaalka sokeeye. Safaraadda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa dar-dar galisay in dib loo soo celiyo deeqahaaas muhin ah u  horumarka dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here