Wararki ugu dambeeyay qaraxyo lagu gubay suuqyada Ceelasha Biyaha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo xoogan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Qaraxyada oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday suuqyada waa wayn ee ku yaalla deegaankaasi, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah ganacsatada.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in sababta loo qarxiyay ay tahay xirashada Kaamirooyinka CC Tv oo ay ku amartay dowladda, waxaana dhinaca kale diiday kooxda Al-Shabaab.

Burbur xoogan ayaa ka dhashay qaraxyadan, waxaana inta badan gubtay goobaha ganacsiga ee deegaanka Ceelasha Biyaha.

Maalmihii u dambeeyaya ayaa waxaa duleedka Muqdisho ka dhacayay weeraro qaraxyo ah, ayada oo xusid mudan tahay inay howlgallo ka wadaan ciidamada ammaanma ee dowladda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here