Dowladda Soomaaliya oo Ciidan badan dhigtay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Soomaaliya ayaa haatan qaaday tallaabo culus oo lagu sugayo amniga caasimadda, si looga hortago weeraro ka yimaada dhanka Al-Shabaab.

 

Maalmihii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan dhigtay daafaha caasimada, ayada oo la kordhiyay baraha koontarool ee laga soo galo Muqdisho.

Saraakiil la hadashay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa heegay in ciidamada NISA iyo kuwa Booliska ay isku fidiyeen agagaarka caasimada, gaar ahaan xaafadda suuqa Xoolaha iyo waddada ka timaada deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa si xoogan u baaraya gaadiidka iyo dadka soo galaya gudaha Muqdisho, waxaana jira shaqsiyaad la tuhmay oo ay xabsiga dhigeen laamaha amniga.

Halkan hoose ka daawo Wararkii ugu dambeeyay:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here