Sawirro: Maadooriye halis ah oo lagu gubay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed kusoo bandhigeen Maandooriyaal halis ku ah bulshada Caasimadda kaas oo lagu gubay duleedka Degmada Kaaraan.

 

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay laamaha Amniga howlgallada ay kusoo qab qabteen Maandooriyaha, asigoona ugu digay cid kasta oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandooriyaha in lala tiigsan doonno sharciga.

Goobta lagu soo bandhigayay Maandooriyaha waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi, Guddoomiyeyaal Degmo iyo saraakiil kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here