Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg degga ah ee NEOC, Waxa uu ku qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga Danjire Aweys Xaaji.

 

Shirkaan waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin sidii Danjire Aweys u daba-gal diblomaasiyadeed ugu sameyn lahaa ballan-qaadyo ay hore dalka ugu yabooheen Xarunta King Salmaan iyo Sa’udi Fun.

Balan-qaadyadaas ayaa la xariiray mashaariic hormarineed iyo gargaar oo ay ku jiraan dhismaha xarumaha gargaarka deg degga ah ee maamul gobolleedyada, ceelal biyood, bakhaarrada gargaarka, qalab caafimaad, dab-damisyo iyo Aambalaasyo, kuwaaso oo qaarkood la soo ansixiyay walina soo gaarin hay’adda SoDMA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here